Nagu Saabsan DigitalAbsuge
DigitalAbsuge.com waa madal casri ah oo diiradda saarta wacyigelinta, aqoonta dijitaalka, hal-abuurka, iyo horumarinta xirfadaha casriga ah ee bulshada Soomaaliyeed iyo guud ahaan Afrika. Ujeeddadeennu waa inaan noqono isha lagu kalsoonaan karo ee warar, maqaalyo, talooyin, sheekooyin, iyo macluumaad la xiriira teknoolojiyadda, ganacsiga, baraha bulshada, iyo fursadaha online-ka.
Waxaan aaminsanahay in aqoonta saxda ahi ay beddeli karto nolosha qofka. Sidaas darteed, DigitalAbsuge waxay soo bandhigtaa:
- Maqaalyo waxbarasho iyo dhiirrigelin leh
- Warar iyo falanqeyn ku saabsan dunida dijitaalka
- Talooyin ku saabsan YouTube, Facebook, iyo lacag-samaynta online
- sheekooyin hal-abuur leh, iyo qoraallo tayo sare leh
- Ganacsi, horumar shaqsiyeed, iyo fursado cusub
Kooxdayadu waxay ka kooban tahay qorayaal iyo hal-abuurayaal jecel horumarka, kuwaas oo ka shaqeeya inay akhristayaasha siiyaan nuxur tayo leh, la hubiyay, isla markaana ku habboon baahiyaha waqtigan casriga ah.
Himiladeenna
Inaan noqono bog hormuud u ah macluumaadka dijitaalka ah ee Af-Soomaaliga, isla markaana gacan ka geysan horumarinta aqoonta iyo fursadaha dhalinyarada iyo ganacsatada.
Hadafkeena
- Inaan bixinno nuxur la isku hallayn karo
- Inaan kor u qaadno xirfadaha online-ka
- Inaan dhiirrigelinno hal-abuurka iyo ganacsiga casriga ah
Ku soo dhawoow naga soo xariir email : Absugeyou@gmail.com halka ay aqoonta, teknoolojiyadda, iyo hal-abuurku ku kulmaan
